About Us

Fanproj waa shirkad ay leeyihiin dad walaalo ah (Family Company)
waxaa la aasaasay 10 October 1984,
Waxaana maalgaliyay Guddoomiyaha Fanproj Ing. Abubakar Mohamed.
Xiligaas waxaa lagu magacaabi jiray Studio & Stereo Fanproj howsheeduna wuxuu ahaan jiray

  • Duubista filimada sida Aroosyada, Xafladaha, Dhalashooyinka IWM.
  • Kireynta aflaamta Hindiga, Americanka & Taliyaniga.
  • Duubista Heesaha sida Somaliga, Hindiga & Americanka.

Wuxuu xarunteeda ku ooli jiray Magaalada Muqdisho ee Dalka Somalia, gaar ahaan degmada Xamar Jabjab, Ex agagaarka Bar Stella.
Shirkadda wuxuu shaqeynaayay 1984 ilaa 1989 kadib howsheedu way istaagtay waxaana sababay xaaladda magaalada Muqdisho oo sii xumaaday.
Sanadki 1995 ayaa howsheedu dib u bilowday waxaana dib loogu aasaasay Magaalada Bern ee dalka Switzerland,
Waxaana hogaaminayay Mohamed Abubakar.

Laga bilaabo sanadki 1996 waxaa dib loogu howl bilaabay Magaalada Muqdisho
sanad walboo lasoo gudbana casriga ayay la socdaan qalabyada ugu danbeyay ayayna adeegsadaan si ay macaamiishooda u qanciyaan.

Howsheena

Videography: Ma dooneysaa in laguu Duubo filimada sida: Aroosyada, xafladaha, dhalashooyinka, shirarka, barnaamijyada qaaska ah, video clip-yada IWM.
Hadii ay jawaabtaadu haa tahay taa waxaa diyaar u ah Fanproj Productions oo si casriyeysan kaaga haqabtiri doonto baahidaada.
Editing: Ma dooneysaa in dib laguugu habeeyo filimada & sawirada duugoobay oo laguugu badalayo casriga manta.
VHS to DVD, Bluray, Tape to CD, Mp3 Hadii ay jawaabtaadu haa tahay taa waxaa diyaar u ah Fanproj Productions oo si casriyeysan kaaga haqabtiri doonto baahidaada
Photography: Ma dooneysaa in sawir lagaaga qaado sida: Aroosyada, xafladaha, barnaamijyada qaaska ah, sawirada duugoobay oo kuu badbaadineyso & BW to Color Hadii ay jawaabtaadu haa tahay taa waxaa diyaar u ah Fanproj Productions  oo si casriyeysan kaaga haqabtiri doonto baahidaada.
Printing Cards: Ma dooneysaa in laguu sameeyo kaarar Aroos, Dhalasho, Ganacsi IWM. Taa waxaa diyaar u ah Fanproj oo si casriyeysan kuugu sameyn doonto.
Waxay kaloo kuu qabaneysaa in ganacsigaaga kor kugu qaadeyso iyadoo ay kuu sameyneyso xayeysiin aad u tayo leh sida Video Clip, Banner, Flyers IWM.
Film Dubbing: Fanproj wuxuu si casriyeysan uu luqadaada hooyo kuugu tarjumayaa film walba sida, Bollywood, Hollywood, Arab Films, hadii ay noqon leheyd film dhameystiran ama mid taxane ah sida Musalsalada oo kale.
Wuxuu kaloo diyaar u yahay shirkad walbo oo dalab heysato in dalabkeeda si macamil ah in ay ugu fulineyso
Web Designing: Ma dooneysaa in laguu dhiso Website tayo leh sida Personal & Bussines sites IWM. Hadii ay jawaabtaadu haa tahay taa waxaa diyaar u ah Fanproj oo si casriyeysan kuugu dhisi doonto Webka nooca aad dooneyso iyadoo kugu xiri doonto shirkadaha wax xayeysiiya si ay webkaaga dhaqsi u hirgasho.